Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciidamada Dowladda oo Manta Guriga Cabdi Qaasim Xoog Kugaley
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:772
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 23 2008
Ciidamada Dowladda oo Manta Guriga Cabdi Qaasim Xoog Kugaley
Written by Ali Moallim   
Friday, 23 May 2008

Moqdisho, (insidesomalia.org)- Waxaa shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo shirkiisa jaraa’id uga hadlay baaritaan ay gurigiisa ku sameeyeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira.

C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaarihiisa iyo Dadka Dowladda kula jira ay u hoggaansami waayaan waxa ku qoran Axdiga u degsan Dowladda Federaalka oo ah in la ixtiraamo madaxweynaha xilka ka dega, wuxuuna carrabka ku dhuftay in taasi tahay arrin uu la yaaban yahay.

“C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaarihiisa iyo Dadka Dowladda kula jira miyeysa u hoggaansameynin waxa ugu qoran Axdiga u degsan ee qeexaya in madaxweynaha xilka ka dega ay tahay in ixtiraamo oo sharaftiisa la dhowro”ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in Ciidamadii gurigiisa baaray jir-dil u geysteen ilaalo uu leeyahay oo ay ka war qabaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.

“Arrintan wax looga jeedo anigu garan-maayo, C/llaahi Yuusuf haddii uu is-leeyahay C/qaasim ha cararo, haddii aan cararayo mar hore ayaan carari lahaa, ka mana fiicni 7-da Kun ee dhimatay, 25-ka kun ee dhaawacantay iyo labada Milyan ee barakacday, kuwaasi ayaaba waxaa ku jira kuwo ahlu kheyr ah oo aniga iga wanaagsan”ayuu yiri mar kale yiri C/qaasim Salaad Xasan.

Madaxweynihii hore ee TNG-da oo wejigiisa laga dheehan karay in uu aad uga xumaaday baaritaanka ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay gurigiisa ku sameeyeen ayaa wuxuu dhanka kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay Allaah u towbad keenaan, si uu dhibaatada uga dul-qaado, “Waad la socotaan markii aan Allaah barinay oo aan Roob ka tuugnay wuu na qaboojiyay, hadana si uu dhibaatada nooga dul-qaado waa in aan Allaah u towbad keennaa oo aan barinnaa”ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan.

Wuxuu kaloo ka hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya af-duubka loo geysanayo shaqaalaha samafalka u yimaada dalka Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in la sii daayo samafalayaal dhawaan lagu af-duubtay deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, isagoo sidoo kalena ku baaqay in la sii daayo Markabka u raran ganacsatada Soomaaliyeed oo dhawaan lagu af-duubtay Xeebaha Soomaaliya.

si kastab arrintu ha ahaatee, bartamihii sanadkii hore ayay ahayd markii sidan oo kale ay guriga madaxweynihii hore baaritaan ku sameeyeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo xiligaas ay C/qaasim Salaad raaligelin ugu tageen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo welibana raaligelin kadib ballanqaaday in aan mar dambe sharaftiisa meel looga dhici doonin, lana baari doonin gurigiisa.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >